Casharrada HTML
Casharka: Bilow | Tusmo | Hordhac | NotePad | 01 | 02 | 03 | 04 | 05 | 06 | 07 | 08 | 09 | 10 | 11 | 12 | 13 | 14 | 15 | 16 | 17 | 18 | 19 | 20 | 21 | 22 |
Qore: Maxamed Cali | Taariikh: Daabacaddii 1999/2000
TUSMADA QORAALKA HTML
![]() Waa casharadii ugu horreeyey ee HTML oo kuqoran afka-Soomaaliga ee ka faa'iideyso. |
Kaddib markii aan cilmi baaris ku samaynay baahida ay Soomaalidu u qabaan sidii ay uga qayb qaadan lahaayeen casrigan aan u bixin karro "WAAGII XAWAARAHA & XAWLIGA INTERNETKA" ayaan waxaan aragnay in ay aad lagamaar maan u tahay in lahelo habkaan oo ku sharraxan afkeena Soomaaliga. Taas oo markaas u sahleysa Soomaali aad u farabadan in ay dhisi karaan BOG INTERNET si markaas afkaartooda iyo talooyinka iyo cilmiyada dadkeena looga faa'iidaysto.
| Qoybtaan waxaa soo diyaarinaya Eng. Maxamed Cali Aaden oo ah asaasaha bogga SomaliTalk.com |
Waxaan kabilaabi doonaa heerka BILOWGA ee naqshadaynta iyo samaynta bog internet ah. Taas oo aan kusharxi doono luqada Af-Soomaaliga. iyada oo aan XEERARKA samaynta Bog-Internt ah aan u soo daabici doono hab uu qofkii akhristaa uu si fudud ugu fahmi karo, iyada oo aan kudari doono tusaalayaal qaybkasta oo aan samayno, Insha Allah.
|
Waxaan wada dhisi doonaa bog aad u qiimo badan oo bilicsan haddii
aan raacno xeerka naqshadaynta ee Internet-ka. [Insha Allah] |
Sida aan wada ogsoonahay Internet-ku waa goob lagutebinkaro wanaag iyo xumaan. Waxaase kacodsanyaa qofkii kaqalin-jebiya qaybtaan [www.html.somalitalk.com] in cilmigaas uu u adeegsado wanaag. Waxaana xusuusinayaa dhammaan akhristayaasha qaybtaan in ujeedada guud ee qaybtaan ay tahay horumarinta akhristayaasha. Waana faa'iido aad u weyn marka dadbadani ay ka faa'iidaystaan qoraalkaan.
| Waxaan [Insha Allah] qoraaladan u ratibi doonaa hab u sahla akhristayaasha in ay sifudud ula socon karaan. |
Si ay u sahlanaato in qoraaladaan aad lasocotid waxaa haboon in aad Bog kasamaysatid Shabakadda Internet-ka [haddii aadan horay u lahayn bog]. Waqtigaan waxaad Bog Bilaash ah kasamaysan kartaa http://www.tripod.lycos.com/ kaas ayaana wada dhisi doonaa hadii Ilaah idmo. Marka aad samaysatid baal bilash ah, kaddib kusoo laabo hordhaca casharrada HTML ee kuqoran bogga kan xiga.
Hadaba aan isweydiino su'aalahan:
- Diiwaanka ma kudartay bog aad leedahay?
- Diyaar ma u tahay hordhaca casharradan?
- Diyaar ma u tahay in aan si tallaabo-tallaabo ah u wada bilowno samaynta bog-internet ah?
- Diyaar ma u tahay in aan bilawno isku-xirkii ugu weynaa ee Soomalida internetka?
- Diyaar ma u tahay HTML?
..
Qore::: Eng. Maxamed Cali Aaden
Qoraalkan waxaan qoray 1999
Waxaan xilligaas joogey: London, Ontario, Canada
Wixii suaalo ah waxaa lagu soo hagaajin karaa
Email: aqoonkaal @ gmail.com



Bilow | Tusmo | Hordhac | NotePad | 01 | 02 | 03 | 04 | 05 | 06 | 07 | 08 | 09 | 10 | 11 | 12 | 13 | 14 | 15 | 16 | 17 | 18 | 19 | 20 | 21 | 22 |