Casharrada HTML
Casharka: Bilow | Tusmo | Hordhac | NotePad | 01 | 02 | 03 | 04 | 05 | 06 | 07 | 08 | 09 | 10 | 11 | 12 | 13 | 14 | 15 | 16 | 17 | 18 | 19 | 20 | 21 | 22 |
Qore: Maxamed Cali | Taariikh: Daabacaddii 1999/2000
Xeerarkaas iyo habka laraaco marka ladhisayo bog-internet ah waxaan u baran doonaa sida ay asal ahaan u qormaan, waxaana ku tarjumi doonaa Afka Soomaaliga. Waxaana kudadaali doonaa in xeerarka asalka ah ee naqshadaynta bogga-shabakadda internetka aan kusoo qoro Afka Ingiriiska, taas oo markaas akhristaha u sahleysa in uu fahmi karo marka uu tixraacayo qaybo kale oo HTML ah kuna qoran luqad aan ahayn Af-soomaali. Maadaama luqadda ay xeerarka naqshadaynta shabakadda Internetku ay yihiin kuwo kuqoran luqadda Ingiriiska, waxaa dhici karta in tarjumidda qaybo kamid ah ay adkaato in loo helo kelmeddo u dhigma Afkeena Soomaaliga. Waxaana akhristayaasha ka codsanayaa in wixii talo iyo tusaale ah ee laxiriira eray-bixinta HTML ay si toos ah ugu soo daabacaan qaybta Eray-Bixinta ee SomaliTalk.com, halkaas oo aan tixraaci doono, insha Allah. |
||
| Waa Maxay HTML? | ||
Marka aad siwacan u taqaanid HTML waxaad dhisi kartaa bog shabakadeed cawaandi ah oo weliba si heer sare ah u naqshadaysan ee haka caajisin barashada casharradan. |
||
| Adeegsiga "NOTEPAD" | ||
NOTEPAD waa barnaamij adeegsigiisu aad u sahlan yahay, waxaadna
ka heli kartaa:
File > Save As > Save in [halkaas karaadi khaanadda aad rabtid in aad ku xafidid] > File Name [halkaan kuqor magaca bogga adiga oo ku lingaxaya .html] > Save. Meesha aad ku xafideysaana waa Digsiga [Disk] ama Saxanka-Adag [Hard-Drive] hadba kii kuu sahlan. * Lingax waxaan uga jeedaa marka aad magaca u bixineysid bogga waxaad raacineynaa .html. Tusaale ahaan waxaad bogga u bixisay "koowaad", waxaad markaas lagaaga baahan yahay in aad qortid koowaad.html |
||
| Daalacashada Bog HTML Kuqoran | ||
Si aad u furtid boggii oo markaas aad u daalacatid waxaad mareysay habkan: Haddii aad adeegsaneysid Internet Explorer: Haddii aad adeegsanesid Netscape: FIIRO GAARA: Waxaa lagayaabaa noocayada [Browser-radu] ay kala duwan yihiin, balse fikrad ahaan aad ayey isugu dhow yihiin habka loo daalacanayo bog kuqoran HTML. Xusuusnow in DAALACDAYAASHANI ay yihiin kuwa aad had iyo jeer adeegsatid marka aad Shabakadda Internetka dhex mushaaxeysid. Balse khasab ma aha in aad Internet-ka ku jirtid marka aad daalacaneysid boggii [file-kii] aad ku xafiday Digsiga ama Saxanka-Adag. |
||
| Waqtiga Barashada HTML | ||
Laakiin waxaa taas ka horreysa in aan waqti u samayno barashada casharradan si markaas qorsheheenu u noqdo mid miradhala ama maxsuul wanaagsani kasoo baxo. Waxaa markaas wanaagsan in toddobaadkii waqtiyar oo kamid ah aad u qoondaysid barashada HTML. Waxaana lagayaabaa [Insha Allah] in cilmiga aad ka faa'iidid casharradan HTML aad usii faa'dayndoontid dadbadan, taas oo keeni karta in mujtameceennu noqodo mid higsanaya heerka aqooneed ee casriga Internetka. Dhankayga waxaan iskudeyayaa sida ugu wanaagsan oo binni-Aadamku awoodo in aan cashar cusub soo daabaco Isniin kasta [Insha Allah]. Qoraalka xiga waxaan ku baran doonaa adeegsadiga NOTEPAD.... |
..
Qore::: Eng. Maxamed Cali Aaden
Qoraalkan waxaan qoray 1999
Waxaan xilligaas joogey: London, Ontario, Canada
Wixii suaalo ah waxaa lagu soo hagaajin karaa
Email: aqoonkaal @ gmail.com


Bilow | Tusmo | Hordhac | NotePad | 01 | 02 | 03 | 04 | 05 | 06 | 07 | 08 | 09 | 10 | 11 | 12 | 13 | 14 | 15 | 16 | 17 | 18 | 19 | 20 | 21 | 22 |